WorldCom waxay
ahayd shirkad isgaarsiineed oo ku taal
dalka maraykanka .Waxayna kacday 2002dii ka dib markii ay sameysey musuqmaasuq
ballaaran oo dhanka xisaabaadka (accounting) ah.Musuq maasuqaas ayaa weli ah fadeexada xisaabaadka ee ugu weyn
taariikhda Mareykanka iyo mid ka mid ah kuwa ugu weyn ee dunida. Waxaana dacwad kusoo oogey guddiga Securities and Exchange Commission (SEC).Kadibna maamulayaashii shirkadda sida Bernard
Ebbers ayaa lagu xukumay 25 sano oo
xarig ah iyo CFO Scott Sullivan oo asnah lagu
xukumay shan sano.
Sidee wax u dhaceen ?
Waxaa la ogaaday bishii Jun 2002 markii waaxda xisaabaadka ee shirkadaha,ay heshay in ka badan 3.8 bilyan oo doolar in la galiyay xaashida dheelitirka been abuurka . Intaas kadib , WorldCom waxa lagu qasbay in ay qirato . Waxayna qiratey in ay hantideeda ka badbadinaysey in ka badan $11 bilyan,waana waqtigii uu gabalkeedu dhacay.WorldCom manta waa hal-ku-dheg loo adeegsado khiyaanada xisaabaadka (accounting)iyo tusaale qaadasho ku filan maalgashadayaasha in markii arrimuhu u muuqdaan kuwo aad u wanaagsan iney noqon karaan been abuur .
HealthSouth waa shirkad
ah bixiyaha hormuudka daryeelka , baxnaaninta caafimaadka iyo adeegyada
qalliinka ee bukaan-socodka .HealthSouth
waxa ay ku eedaysay US Securities and
Exchange Commission (SEC) fadeexad xisaabeed halkaas oo dakhliga
shirkadu si been abuur ah loogu kacay $1.4 bilyan ,ayagoo islahaa dhaqaale burburka
xargaha jirtey iska moos si khiyaamo ah . Waxaa intaa dheer, xisaabiyayaashu
waxay sidoo kale beeniyeen warbixinta dakhliga iyaga oo aan diiwaan gelin
kharashaadka ka yar $5000 taasoo
ahayd heerka agabka laga rabo hanti-dhawrayaasha.
Bishii Febraayo 2003, Waaxda Caddaaladda (DOJ) ayaa diiday yabooh ka yimid HealthSouth si ay u bixiso $150 milyan oo ay u xalliso eedeymaha musuqmaasuq ,waxayna dalbatay in ka badan $200 milyan.Sannadihii xigay, HealthSouth waxa soo gaadhay khasaare wayn oo ay ugu wacnayd lacag bixinta dacwadda iyo 20% xarumihii baadhitaanka ee la xidhay. DOJ waxay dhintay saamiga shirkadda si tijaabo ah ilaa 2009. 2005, maxkamad ayaa u ogolaatay madaxda shirkadda mid ah inuusan dambiile ahayn sababtoo ah caddayn la'aan.Kadibna waxay go’aan satay inay badasho magaca HealthSouth iyo astaanteeda sumadeed ,waxayna ka dhigtay Encompass Health Corporation Janaayo 2, 2018.
Enron waa shirkad ka shaqeyn jirtay gaaska dabiiciga ah, waxaa la aas-aasay 1985 ,waxayna ahayd labo shirkad oo isku daray ,kadibna loowada baxshey magaca Enron sannadkii 1986. Congress-ka Maraykanka ayaana ansixiyay. waxayna fadhigeedu ahaa Houston, Texas. Kahor musalafnimadiisa Diisambar 2, 2001 ay kusoo oogtay Guddiga Securities and Exchange (SEC). Dhammaadkii 2001, waxaa la ogaaday in xaaladeeda maaliyadeed ee Enron iyo report-ka ay gudbiso ay tahay khiyaano xisaabeed oo la qorsheeyay, oo loo yaqaan fadeexaddii Enron. Enron ayaa tan iyo markaas noqday tusaale caan ah oo ku saabsan khiyaanada shirkadaha iyo musuqmaasuqa badheedhka ah. . Bishii Oktoobar Enron waxay soo dhajisey oo ku dhawaaqdey $638 milyan oo khasaare ah iney gashey, taasoo naxdin iyo fajacaad ku noqotey maalgashadayaashii Enron. , waxana uu dhaliyey doodo badan iyo sidoo kale sharci loogu talagalay in lagu wanaajiyo heerarka xisaabaadka iyo hab-dhaqanka, oo leh muddo dheer
Isku day weydiintaan;
1)Ma yihiin Healthsouth iyo Enron shirkado jira maanta oo shaqeeya?
2) Waa maxay anshax-xumada WorldCom ay sameysay markii loo eego anshaxaadka(ethics) xisaabaadka(accounting).?
Aad ayaa u mahadsan tahay ,wixii talo iyo saxniin ah nagula lawadaag qaybta faallada ee hoose.
guuleyso.

1 Comments