Python- waa
mid kamid ah luqadaha caanka ah oo lagu sameeyo barnaamijyada
software-ka ah. Waxaa Luuqaddaan
sameeyey ninka lagu magacaabo Guido van Rossum, waxuuna soo shaac
saaray sanadkii 1991. Waxyaabaha loo adeegsado luuuqadaan waxaa kqamid ah ;horumarinta website-yada (web development), software-rada ( software development), xisaabaadka iyo nidaamka
scripting.
Waa maxay sababta luuqada python loo doorbidayo maanta ?
Waxaa loo
doorbidayaa oo muhiim ka dhigay waxaa kamid ah dhorkaan qodob;
1-
Python
waa luuqadda ugu fudud uguna qaabaysan oo ay fududahay in la barto
2-
Python
waxay ku shaqeyn kartaa platforms kala duwan sida;Windows ,Mac , Linux iwm.
3-
Python
waxay leedahay sharciyo fudud(syntax) kuwaas oo lamid ah luuqada Imgiriiska, oo
qofkasta fahmi karo.
4-
Sidoo
kale waxay leedahay sharciyo kuu ogol inaad qortid baraamijyo leh khadad yar
yar marka loo eego luuqadaha kale.
5-
Python
waxaa loola dhaqmi karaa si hab maamuus ah, oo qaabka ay u dhisan tahay ah ama
qaab shaqeynteeda.
6-
Python waxaa loo isticmaalaa barashada mashiinka
& sirdoonka macmal ah.
Sharciyda python marka la barbar dhigo luqadaha kale ee programming-ka , waa maxay faraqa u dhaxeeya ?
Python waxaa loogu talagalay akhrinta, waxayna leedahay erayo la mid ah afka Ingiriiska oo saamayn ku leh xisaabta.
Python waxay adeegsataa khadadka cusub si ay u buuxiso amarka, si ka soo horjeeda luqadaha kale ee programin-ka ,oo badanaa isticmaala hakad-heege ama bilaha .
Python waxay ku tiirsan tahay
isticmaalka qaansada, adeegsiga leymanka, si loo qeexo baaxadda. Luqadaha kale
ee programinka ayaa inta badan loo isticmaalaa ujeedadaas baraakidyada qaabkaan
ah{}.
faahfaahintaadu waa inoo muhiim.
follow dheh website-ka si aad ula socotid
haddii postigaan wax ka faa'iiday fadlan share dheh

0 Comments