1) Waaa inaad xallin kartaa dhibaatooyinka
Guud ahaan, inaad leedahay awood adag oo aad ku xalliso mashaakilaadka si fiican ayay kuugu adeegi doontaa wayna ku caawin doontaa awoodaas markaad baranayso cilmiga Kombiyuutarka/IT. Bal qiyaas in aad dhibaatada u fiirsato, una kala qaybiso qaybo yaryar, hagaajinayso oo ugu dambayntii aad dhammaan qaybaha dib isugu soo celiso si habaysan oo sax ah muddo yar gudohood.
Sida aad qiyaasi karto, hal-abuurnimadu waxay noqon doontaa mid waxtar leh si wax looga qabto dhibaatooyinka adag. Waa wax aan la taaban karin, laakiin markaad wax badan ka barato, waxaad awoodi doontaa inaad sawirto xalalka si aad u xalliso dhibaatooyinka ugu adag dunida.
2) Waa inaad jeceshahay Xisaabta
Kombuyuutarku wuxuu ku
lug leeyahay cilmiga xisaabta waxayna ku leedahay doorka ugu weyn. Markaa waa
inaad ku fiicnaantahay haddii aad uhelowsan tahay barashada computerka/IT-ga,
si gaara nah ugu xoog badan ixtimaalka (probability)
, tirakoobka(statistics) iyo xisaabta gaarka ah oo aad ku dhex waddo dhammaan
xisaabaadka adag.
3) Waa inaad ku feecan tahay hab fikirta logical-ka ah.
Mid ka mid ah qaybaha aasaasiga ah ee aad wajihi doonto inta lagu jiro daraasadda Kombiyuutarka waa inaad si macquul ah u fikirto. Si aad ugu fiicnaato Kombuyuutarka, waxaad u baahan doontaa xoogaa awood ah oo aad si macquul ah ugu fikirto .Haddaba haddii aad leedahay xirfadaas hanbalyo markale .!
Waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto nidaamyada kombiyuutarka oo aad fahamto sida qaybaha kala duwan ay isula falgalaan sida hardware-ka iyo software-ka ,si aad u ogaato halka looga baahan yahay go'aannada la gaarayo iyo cawaaqibka ay xambaarsan yihiin.
Haddaba; haddii aad leedahay ama la xidhiidhi karto
xirfadaha kor ku xusan, barashada cilmiga
kombuyuutarka waxa laga yaabaa inuu kugu habboon yahay 95%. Ha niyad
jabin haddii midkood uusan ahayn xooggaaga ugu weyn; ugu danbeyn waad ku
tababaran doontaa horumar guul lehna
waad ka sameyn doontaaye .
Halkaan riix saad xog badan u heshid.


2 Comments