JavaScript waa luuqadda ugu caansan dunida ee lagu dhiso webseedyda, waana ruuxda ka shaqeysiisa(Livescrip) HTML iyo CSS.
HTML(Hyper text makup language) waa jiridda iyo qaab dhismeedka webseedka ,una ah bar-bilow.Halka CSS(Cascading stylesheet) ay tahay qurxinta iyo hagaajinta muuqaalka webseedka.
Sidoo kale waa mid kamid ah luuqaddah lagu sameeyo baraamijyada(programming-ka),kuna salaysan hab qoraaleed, loguna dhiso labada dhinac ee client side iyo server side oo ay leeyihiin webseedyadu.
Client-side waa browser-ka webseedka. Server side waa meesha xogta iyo macluumaadka koodka ay ku keydsanyihiin.Waxaa luuqaddaan lasoo shaac saarey sanadkii 1995.
Farqiga u dhexeeya Java iyo JavaScript
Java waxay ka tirsan tahay luqadaha barnaamijka OOPs(object oriented programming), halka Java Script-na ka tirsan tahay luuqad qoraalkeed OOS(object oriented scripted).
Java waxa lagu abuuri karaa koodad ku dhex shaqeeya mishiin ama browser-ka , halka JavaScript code-ka uu ku shaqaynayo browserka oo kaliya.
Koodhka Java waxa uu u baahan yahay in la diyaariyo(Algorithm design) ,balse JavaScript kood uma baahna .Application-nada loo isticmaalo JavaScript waxaa kamid ah; Sublime text ,Visual Studio Code ,Webstorm Iwm.


5 Comments